Cali Jaamac Haabiil, oo aan ugu yeedho Hadraawigii qarnigii 19aad, wuxuu jiray ku-dhawaad 70 gu' oo ku beegmay saddex xilli oo xilli waliba door shilis ku lahaa qaabaynta waaqica aynu maanta la nool nahay. Qiyaastii, wuxuu dhashay bilowgii sannadihii 1840-meeyadii. Wuxuu ku hanaqaaday deegaan dadkiisa waxa keliya ee isku xidhiidhiya ama kala kexeeyaa ay tahay abtirsigooga. Dadkaasi waayuhu wuxuu baray in aanay xeerla'aan noolaan karin. Sidaas awgeed, waxay samaysteen xeerar ay ku kala bedbaadaan. Xeer kasta oo dhex maray laba beelood oo wada yaalley, wuxuu lahaa ujeeddo weji bedbaado lahayd. Kolka xeer la jebiyo, sida keliya ee muhiimadda xeerkaas lagu muujin jirey waxay ahayd in la kala furto mariyo dhiig leh. Dastuurka ummadaha, qodob kastaa wuxuu xal u yahay colaado dhexdooda miran lahaa, xeerarkuna halkaasay ugu jireen bulshadaas. Dadkan iyo deegaankan uu Cali Jaamac Haabiil ku taabbagalay, masiibada ugu weyn ee ku soo noqnoqotaa waxay ahayd saddex arr...
Halkan waxaannu ku kaydinaa buugta soomaalida oo Pdf ah, waxa kale oo aad ka heli kartaa maqaallo iyo buug'sookoobidyo.