Cali Jaamac Haabiil, oo aan ugu yeedho Hadraawigii qarnigii 19aad, wuxuu jiray ku-dhawaad 70 gu' oo ku beegmay saddex xilli oo xilli waliba door shilis ku lahaa qaabaynta waaqica aynu maanta la nool nahay.
Qiyaastii, wuxuu dhashay bilowgii sannadihii 1840-meeyadii.
Wuxuu ku hanaqaaday deegaan dadkiisa waxa keliya ee isku xidhiidhiya ama kala kexeeyaa ay tahay abtirsigooga.
Dadkaasi waayuhu wuxuu baray in aanay xeerla'aan noolaan karin.
Sidaas awgeed, waxay samaysteen xeerar ay ku kala bedbaadaan. Xeer kasta oo dhex maray laba beelood oo wada yaalley, wuxuu lahaa ujeeddo weji bedbaado lahayd.
Kolka xeer la jebiyo, sida keliya ee muhiimadda xeerkaas lagu muujin jirey waxay ahayd in la kala furto mariyo dhiig leh. Dastuurka ummadaha, qodob kastaa wuxuu xal u yahay colaado dhexdooda miran lahaa, xeerarkuna halkaasay ugu jireen bulshadaas.
Dadkan iyo deegaankan uu Cali Jaamac Haabiil ku taabbagalay, masiibada ugu weyn ee ku soo noqnoqotaa waxay ahayd saddex arrimood: abaaro, colaado iyo cudurro.
Bulshadan wacyigeegu aad buu uga hooseeyay mid hiigsan kara inay dhistaan dawlad xal u doonta masiibooyinkooga, u maamusha danaha ay wadaagaan, bixisa adeegyada aanay la'aantood noolaan karin, ay ku ururto awoodda dhexdooda ku filiqsani oo dadka ugu garsoorta sharci loo siman yahay.
Beelihii ku noolaa magaalo-xeebeedyada SL, gaar ahaan magaalooyinka Berbera iyo Saylac oo ahaa beelo ilbaxnimo ahaan ka sarreeyay kuwa miyiga ku nool, waxaa dhex mari jirey dagaallo aan muuqaal ahaan waxba kaga duwanayn kuwii ka oognaa dhulka miyiga ah.
Haddii laga tegi waayo, beelaha miyigu waxay ku diriri jireen biyaha iyo daaqa, beelaha xeebaha ku noolina waxay ku loollami jireen dhaqaalihii baaxadda lahaa ee ka soo xeroon jirey dekadda.
Bal se waxay ka midaysnaayeen in beeluhu u dagaallami jireen iyaga oo beelo ah, waxa aanay isugu hiilin jireen sida ay abtirsi ahaan isugu dhaw yihiin.
Dagaalladan waxaa ugu caansan dagaalkii Berbera ku dhex maray labada jilib ee Nuux Ismaaciil - Yoonis Nuux iyo reer Axmed, sannadihii 1840-meeyadii.
Dagaalladan waxaa ugu caansan dagaalkii Berbera ku dhex maray labada jilib ee Nuux Ismaaciil - Yoonis Nuux iyo reer Axmed, sannadihii 1840-meeyadii.
Dagaalkani wuxuu jiitamay ku-dhawaad toban sanno. Natiijadii ka dhalatay waxay noqotay aasaasankii magaalo-xeebeedda Bullaxaar, oo ay yagleelkeega lahaayeen beesha Yoonis Nuux.
Cali Jaamac qiyaastii isaga oo soddon jir ah ayuu la kulmay soo-degiddii Cismaaniyiinta ee Berbera.
Cali Jaamac qiyaastii isaga oo soddon jir ah ayuu la kulmay soo-degiddii Cismaaniyiinta ee Berbera.
Inkasta oo iska-caabbin teelteel ah ay la kulmeen Cismaaniyiintu, haddana beelo kala daadsani si na ba uguma ay babacdhigi karayn awood dawladeed oo abaabulan.
Cismaaniyiintu, waxay Berbera ka talinayeen muddo 14 sanno ah (1870kii ilaa 1884kii). Waxay la yimaaddeen dhaqan dawladeed oo aan laga aqoon aaggaas.
Cismaaniyiintu, waxay Berbera ka talinayeen muddo 14 sanno ah (1870kii ilaa 1884kii). Waxay la yimaaddeen dhaqan dawladeed oo aan laga aqoon aaggaas.
Waxay lahaayeen nidaam kala sarreeya oo go'aammada ka soo fulaa ay kor ka yimaaddaan, hoosna u socdaan. Waxay dhiseen xarumo dawladeed oo ay ka soo yeedhaan go'aammada dawladdu, islamarkaana ay jiraan ciidan iyo haayado u diyaarsan fulinta go'aammadaas.
Waxay amaamudeen xabsiyo loo taxaabo qofka ku xadgudba sharciga loo siman yahay. Dadkii beelo ahaanta u jireyna waxay ula macaamileen qof ahaan.
Dembiga uu qof geysto, beel dhani uma eedoobayn ee qofka ayaa u qoollanaa.
Muddada ay Berbera ka talinayeen, Cismaaniyiintu waxaanay noqdeen mid ka mid ah maamulladii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara.
Muddada ay Berbera ka talinayeen, Cismaaniyiintu waxaanay noqdeen mid ka mid ah maamulladii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara.
Waxqabadkooga waxaynu ka xusi karnaa ceelasha Dubaar oo ilaa maanta ay qasabadaha Berberi ka yimaaddaan.
Cali Jaamac Haabiil, waxaad mooddaa in 14kaas sannadood ee Cismaaniyiintu ay Berbera ka talinayeen ay wacyigiisa si xooggan kor ugu qaadeen.
Cali Jaamac Haabiil, waxaad mooddaa in 14kaas sannadood ee Cismaaniyiintu ay Berbera ka talinayeen ay wacyigiisa si xooggan kor ugu qaadeen.
Waxaa kale oo si aad ah uga muuqata gabayadiisa ku beegan waayahaas inuu yaqiinsaday inay awoodda dawladnimo mar walba ka sarrayso ta beelaha ee kala daadsan.
Gabay uu tiriyay qiyaastii lix gu' ka dib kolkii ay Cismaaniyiintu ka guureen Berbera, isaga oo u dardaarwerinaya beelo uu ku tuhunsanaa inuu Berbera damac kaga jiro, wuxuu yidhi:
Gaalada Moosko iyo haddii, Mililikh lay keeno
Ingiriis madaafiic hadduu, maalin nagu laayo
Awal oon la marin Saaxil oon meesha laga waayin
Cali wuxuu leeyahay, beel yar iska dhaaf e, hadday dawladaha Ruushka, Itoobiya iyo Ingriiisku Berbera soo damcaan waanu iska dhicinaynaa.

Waxaa gabayga si dadban uga muuqata in gabyaagu qirsan yahay in aan la isu dhigi karin tamarta beeleed iyo tamarta dawladeed.
Isla sannadkii ay Cismaaniyiintu ka guureen Berbera iyo guud ahaan dhulka SL, waxaa soo cagadhigtay mid ka mid quwadihii dunida ee wakhtigaas.
Isla sannadkii ay Cismaaniyiintu ka guureen Berbera iyo guud ahaan dhulka SL, waxaa soo cagadhigtay mid ka mid quwadihii dunida ee wakhtigaas.
Ingiriiska oo nidaam dimuquraaddiyadeed ku dhaqmi jirey, waxay keentay inaanu sidii Cismaaniyiinta xoog ku qabsan Berbera iyo SL, bal se uu ku yimaaddo heshiis uu beelaha la galay.
Ingriisku wuxuu la yimid nidaam dawladnimo oo wax badan kala mid ahaa kii Cismaaniyiinta.
Ingriisku wuxuu la yimid nidaam dawladnimo oo wax badan kala mid ahaa kii Cismaaniyiinta.
Ingiriisku, muddo 70 sanno ah oo uu SL ka talinayay wuxuu ka hirgeliyay waxqabad aad u kooban. Yoolkiisu ma ahayn inuu wax ka qabto SL, wuxuu ahaa inuu ka ilaaliyo in quwad kale soo degto iyo inuu hilib uga helo ciidammadiisii Cadan fadhiyey.
Ingiriisku wuxuu halkii ka sii waday dhaqan kasta oo dawladeed.
Ingiriisku wuxuu halkii ka sii waday dhaqan kasta oo dawladeed.
Wuxuu dadka ku maamulayay sharci aan lagu kala sarrayn, qofkii jebiyana qof ahaantiisa loo ciqaabo.
Wuxuu lahaa go'aammo dawladeed oo ka yimaadda madaxda sare, iyo haayado u jabsan fulintooda.
Tobankii sanno ee u dambeeyay nolosha Cali Jaamac Haabiil, waxaa bilaabmay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta.
Tobankii sanno ee u dambeeyay nolosha Cali Jaamac Haabiil, waxaa bilaabmay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta.
Wixii ay kala muteen Cali Jaamac Haabiil iyo Maxamed Cabdalle Xasan iyada oo faahfaahsan ayay buuggan ku qoran tahay.
Cali Jaamac Haabiil, wuxuu geeryooday 1909kii.
Cali Jaamac Haabiil, wuxuu geeryooday 1909kii.
Buuggani wuxuu ku soo beegmay 113 ka dib geeridii gabyaaga.
Waxa xusid mudan in taariikhda Cali Jaamac ay qori jireen dhinac mawqif ahaan la safnaa daraawiish oo mabda' ahaan ka soo horjeeday gabyaagan.
Buuggani wuxuu noqon doonaa mid soo bandhiga taariikh tixraac leh, in badanna ka dabategi doonaa taariikhihii qaarkood ahaayeen sheekafaneedda.
Ma akhriday buugan adigu?
Q:Mahamed sharma,arke.
Ma akhriday buugan adigu?
Q:Mahamed sharma,arke.

Comments
Post a Comment