Skip to main content

The physology of the money ( Cilmi nafsiga iyo lacagta)

 The physology of the money

(Cilmi nafsiga iyo lacagta)

——————




Soo koobid iyo toban cashar oon ka baranayno buuga uu qoray Morgan Housel. Ee la dhaho "The Psychology of the Money: Timeless Lessons on Wealth, Greed, and Happiness."


In Lacag lagu sameeyo si fudud wax fudud maaha ood taqaanid, waxay ku xidhan tahay sidaad u dhaqanto, dhaqankuna wuu adag yahay in la barto, Xataa hadaad tahay mid caqli badan, Lacagaha maalgashiyeed , dhaqaalaha shakhsiyeed, Iyo go’aamada ganacsiyeed, caadiyan waxay ku salaysan yihiin Maadada xisaabta halka xogaha iyo qaacidooyinku noo sheegaan qaabka saxda ah ee aan u samaynayno .


1. In Lacag la sameeyaa waxay qaadataa wakhtiyo badan , wakhti ka badan inta ogaalkeenu xaqiiqsan karo. 


Ka fikir bal warren buffet kaas oo noqday uun hodan sanadihii u dambeeyay, da’ ahaan intuu jiro iyo hantida lacageed ee uu haysto isla wakhtigan.


2. Marmarka qaar kuma xidhna hibadaada , xirfadaada, inta shahaado eed haysato, inta qofeed eed xidhiidh la leedahay, amase qaraabadiinu inta hantiyeed eey leeyihiin, mararka qaar nasiib weeyi, midaasna waa inaad aaminto.

 Ka fikir Tony elumelu dhaqaalyahanka reer nigeria si fudud oo nasiib leh ayuu ku noqday hantiile, ahow mid is dhul dhiga. 


3. Cutubyada buugta qaarkood waa inay noqdaan kuwo koobkooban, cutubyada as koobkoobani waxay saamaxayaan in hore loo fahmo, maaha wax walba ood rabtid inaad dadka u bandhigtid inaad ka dhigtid wax aad u badan oo dheer, xikmadu waa odhaahda kooban, cutubyada koobkoobana waa xikmada ku filan kuwa caqliga leh.


4. Maaha qaab dhismeedka qofka wax ku kooban Lacagtu, balse waxay si badan u khusaysaa qaabka aad ugu fikirayso lacagta lafteeda, maskaxdu way ka awood badan tahay lacagta, maskaxdaadu waa ta maamulaysa inta cadad eed samayn karto, cadadka dhigaal eed dhigi karto, inta aad gorgortan ku geli karto iyo sidoo kale waa ta go’aamisa sidaad farxadaada u samaysan karto.


5. Iska jooji u iibinta ashyaada aad ku raali gelinayso dadka aan kuba danaynayn, xaalado badana runtii dadku dan kama galaan, dadkuna had iyo jeer waxay jecel yihiin dulucda/nuxurka ugu dambeeya, adiguna ma doonaysid inaad noqotid nuxurka , marka laga reebo kolkaad gole siyaasadeed u tartamayso uune, ka yeel go’aanadaada ku salaysan gudahaaga kuwo xukuman, sababtoo ah waxaad rabtaa inaad xukuntid dad aan kuuba jeedin. 


6. Aad uga taxadir Hab dhaqankaaga ku aadan lacagta, haddii kale oodan ka taxadirin way ku Hagi doontaa, inteed samayn doontaa, sideed u kala wadi, sideed u isticmaali doontaa uun baad ku jiraysaa. 


7. Noqo had iyo jeer mid yidiidiilo leh, cawajku ma gaadho meelna marnaba, mustaqblka fogna yidiidiiloyahanka uunbaa gaadha kolka uu soo dhamaado game ku. 


8. Waxyaabaha kaaga dhex muuqda muraayadu way kuu dhowyihiin sidaad u aragto, laakiin maaha mid ku khusaysa, laga reebo adiga oo ah wadaha shookaantiisa, ka taxadir macluumaadka ku soo gaadhaya badankoodu maaha wax ku khuseeya.


9. Waxyaabaha wanaagsani waxay qaataan wakhti, maalgashiyadaada, Aqooneed, xirfadeed, lacageed, Iyo xidhiidhadaadu intaysan bislaanin wakhti bay qaataan, Samir yeelo ogowna inuu jiro wakhti wax la beerto wakhtina la goosto.


10. Wax waliba qiimo ayay leeyihiin, hantida maaliyadeed, dhigaalka fiican , maalgelinta wanaagsan, xirfadaha intaba diyaar u noqo inaad bixiso qiime badan , bixina nolol dhaqaale ahaan sugan.

Comments

Popular posts from this blog

THE POWER OF DISCIPLINE "Awoodda Anshaxa"

  Soo koobid iyo turjumidd. Awoodda Anshaxa" waa buug xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay anshaxa si loo gaadho guusha iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Haddaba halkan waxa kusoo koobay kuna turjumay dhawr qodob oo aad u muhiima.  1. Joogtaynta : Anshaxu waxa ay ku saabsan tahay inaad si joogto ah dadaalka ugu dabaqdo yoolalkaaga, xitaa marka dhiirigelintu ay yaraato. Waa awoodda aad ku adkaysan karto jadwalka ama qorshaha, xitaa marka ay la kulmaan caqabado ama carqalado.  2. Dejinta Hadafka: Anshaxu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdo yoolal cad oo aad u kala qaaddo tallaabooyin la maarayn karo. Waxay awood kuu siinaysaa inaad mudnaanta siiso ficilladaada oo aad diirada saarto waxa dhabta ah ee muhiimka ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad horumar ka samayso ujeedooyinkaaga.  3. Is-xakamaynta: Anshaxu waxay ku lug leedahay is-xakamaynta iyo awoodda iska caabinta ku qanacsanaanta degdegga ah si loo helo faa'iidooyinka mustaqbalka fog. Waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto ...

Jiraalkay PDF

  Jiraalkay 1 Soo koobid Buugga Jiraalkey.  ♧ Buuggan loogu wanqaley Jiraalkey kow waa hiba furka Afar buug, oo uu qorey; Aqoon dhaadhi, Digtoor, Muhandis, Macalin iyo Sheekh la yidhaahdo Dr: Waliid Axmed Fatiixi, oo uu Turjumey Khaalid Ciise X. Nuur. Intaynaan ka waramin aynu iftiimino Dr: Waliid. Culuumta tirabeelka ee uu xambaarsan yahey buuggani hiigsiga uu ka dhabeynayo, hadafkiisu waxa uu yahey iyo qaabka uu u soo gudbinaayo xogaha uu xambaarsan yahey. Ugu horeyn Sidee ayey u suurtoobeysaa in nolosheena oo dhamiba Ilaahey dartii ay noqoto? Waa weydiinta uu ku dedaalayo inuu ka werceliyo Dr.Waliid, intii uu wadey taxanihiisa Telefiishanka laga soo bilaabo Ramadaantii1434—ku. Dr-ku markii uu dhameeyey xalqadihiisa wuxuu u bedelay buuggaag kuwaas oo uu u bixiyey "ومحياي" oo afar majaladood ka kooban. Buuggtan waxaa dihday xalqadaha uu goos gooska usoo gelin jirey oo markii dambe xogahii inta uu naaxnaaxiyey ka dhigey buuggaag. Dhiganahani wuxuu xambaarsan yahey arimo qotod...

Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear

 Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear.  Joogtaynta caadooyinka yaryar: habka ugu fudud ee aad ku samayn karto caadooyin  wanaagsan waa inaad ka tagto kuwa xunxun. ——————— Qeybtii afaraad 3. Sidee loogu dhisaa caadooyin wanaagsan 4 tallaabo oo Fudud: Mar kasta oo aad rabto inaad bedesho dhaqankaaga, is weydii su’aalahan:- - Sideen habdhaqankayga u caddayn karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid soo jiidasho leh? - Sideen habdhaqankayga u fududayn karaa/ loo fahmi karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid lagu qanco? Caadadu waa dabeecad lagu soo noqnoqday wakhtiyo ku filan si ay u noqoto mid toos ah. Ujeedka ugu dambeeya ee caadooyinka waa in lagu xalliyo dhibaatooyinka nolosha iyadoo la adeegsanayo tamar iyo dadaal yar intii suurtagal ah. Caado kasta waxaa loo qaybin karaa wareeg-celineed jawaab celin ah oo ku lug leh afar tillaabo: tilmaan, rabitaan, jawaab celin, iy...