Jiraalkay 1 Soo koobid Buugga Jiraalkey. ♧ Buuggan loogu wanqaley Jiraalkey kow waa hiba furka Afar buug, oo uu qorey; Aqoon dhaadhi, Digtoor, Muhandis, Macalin iyo Sheekh la yidhaahdo Dr: Waliid Axmed Fatiixi, oo uu Turjumey Khaalid Ciise X. Nuur. Intaynaan ka waramin aynu iftiimino Dr: Waliid. Culuumta tirabeelka ee uu xambaarsan yahey buuggani hiigsiga uu ka dhabeynayo, hadafkiisu waxa uu yahey iyo qaabka uu u soo gudbinaayo xogaha uu xambaarsan yahey. Ugu horeyn Sidee ayey u suurtoobeysaa in nolosheena oo dhamiba Ilaahey dartii ay noqoto? Waa weydiinta uu ku dedaalayo inuu ka werceliyo Dr.Waliid, intii uu wadey taxanihiisa Telefiishanka laga soo bilaabo Ramadaantii1434—ku. Dr-ku markii uu dhameeyey xalqadihiisa wuxuu u bedelay buuggaag kuwaas oo uu u bixiyey "ومحياي" oo afar majaladood ka kooban. Buuggtan waxaa dihday xalqadaha uu goos gooska usoo gelin jirey oo markii dambe xogahii inta uu naaxnaaxiyey ka dhigey buuggaag. Dhiganahani wuxuu xambaarsan yahey arimo qotod...
Comments
Post a Comment