Sheekooyinka aan qoro waxaa ka hormuud ah inta badan gabadh. Marka laga tago
mowduucyada gaar gaarka ah ee ay kala xambaarsan yihiin waxaan u gu talogaley in
dunida haweenka lagu xidhmo oo aad loo fahmo. Sheeko GAROWLA' la yidhaahdo oo ka
hadleysa mid ka mid ah xanuunada nafsiga ah ee aan garowshiiya laheyn dumarka
Soomaalidana ku dhaca ayey ku saabsan tahay Sheeko"GAROWLA". Akhris wacan.
Qaybtii 1aad Waxaan isku hoos ilaabey dhibcaha biyaha ah ee sida xidhiidhsan
korkeyga u gu socda. Waa meydhasho aan u gu diyaar garoobayo maalin dheer oo aan
aad u necebahay. Waan ku sii raagey. Aniga oo maahsan baan iska hoos taagnaa
dhaqaaq li'i; biyaha. Waxay ay u eekeyn in aan ilowsanahay in wax rubuc ka yari
ay ka hadheen bixisteydii. Waa todobadii subaxnimo oo shan iyo toban daqiiqo
la'. Waa xiliga maalintayda u sii xun. Jidhka oo dhami waxa uu ila damqanayey
nabaro si ay hurdada iigu soo gaadhaan aan garan waayey oo macmiil ii ah. Hooyo
ayaa sidii caadada aheyd i gu canaananeysey gacan culeys. Madaxuna si daran buu
ii xanuunayey. Quraacdii baan dul tagey oo ilbidhiqsiyo ku cuney aniga oo aan
hakan. Amateed waali ah baa ka mid ah dabeecadaha i gu cusub. Yaxye iyo Yaasiin
baan dhabanada ka dhunkadey. Ma jecla in aan ka tago waxaan se barey in ay ku
qasban yihiin. "Beeey hooyo." Ayuu yidhi. Aniga oo aan soo jaleecin midka uu
yahay, ayaan gacanta u wedhfiyey, jaranjarada kaabadana orod ku marey. Gaadhigii
shaqada ayaan laba daqiiqo oo kale u sii taagnaa. Kulka cadceeda marka la eego
waxay ay u dhigmeysey toban daqiiqo. Salka markii aan dhigey ayaan babis kala
soo baxey shandayda gacanta. "Gaadhiga aysii baa ka shidan." Buu yidhi
darawalkii, la mana hadlin. "Mise wax aysiiga ka weyn baa ku shidaya." Shantii
bilood ee u danbeysey kaftanka dhataqlaha ah ee Xuseen kama jawaabin subaxaa se
in aan caayo ayaan ku dhawaadey.
Xafiiskeyga ayaan galey oo daaqadaha iska furey. Waxaan iska babiyey dhaskii ay
dabeyl xagaadu kabadhada iyo feylasha dul tuushey. Ma rabo in aan ka hadlo
islaanta nadiifisa xafiiska oo khilaaf hor leh furto. Hadii aanu is qabsano waxa
ay noqoneysaa qofkii shanaad ee aanu shaqada dhexdeeda isku dagaalno sannadkan.
Waan necebahay dagaalka khaasatan ka shaqada. Waxaan ku dareemayaa qoomamo iyo
yaxyax dab i gu hurinaya mar kasta oo aan xasuusto. Si degdega baan daaqada hore
ee macaamiisha u furey. Judhiiba laba nin oo degdegsan baan u shaqeeyey. Waa
tusbax la furey oo aan inta ka horeysa labada duhurnimo kala go'ayn. Sagaalkii
subaxnimo ayaan cudurdaar u gudbistey madaxa qeybtayada. Taksi hore aan u
balansadey baan isku tuurey. "Waa diyaar fiisahaagii. Safaarada Itoobiya in aad
tagtid baa lagaa rabaa todobaadkanba. Bishan gudaheedana inaad baxdaa baa la ga
yaabaa." Ayuu i gu yidhi wiilkii aan xafiiska u gu tagey. Si run ah oo qotodheer
baan meel fog u ga naxey. Ma hubo inaan ku qanacsanahay in aan waddanka ka tago
wax aragtiyana kama haysto nolosha aan u socdo. Shaqada intii ii hadhey
maalintaa waxa aan ku delaaley in aan dareemadeyda go'doomiyo oo xooga saaro
wixii xafiisku iga rabey. Guriga waxa aan ku noqdey aniga oo walaaqan. Miyaan u
bushaareyaa reerkayaga mise waan ka nixiyaa? Hooyadey ma eegaa bal waxa ay ka
qabto in aan ka ga tago carruurteyda mise sidii hore ayaan qorsoodi u gu
dhameystaa waxa ii hadhey? Carruurteydii baan ka bogtey. Marba midkood baan ku
dul nagaadey. Wejiyadooda ayaan si faahfaahsan u eegey. Xubin kasta waxa ka
muuqata curdin iyo nuglaan. Waxa ay marayaan xiligii ay waalidkood u gu baahida
badnaayeen. Indhaha ayaan isku qabtey si aan u ga libdho calool xumadooda. Waxa
aan furey albaab xaga danbe guriga kaga yaala oo sidii loo dhisey guriga
banadnaa. Waxa aan raadinayey wax gedisan. Neef aan qaato oo cusub. Laabteyda
ayuu ku ururey culeys oo idili. Jago aanu laheyn oo uu albaabku ku baxayey baan
ku fekerey in aan carruurta garoon u ga dhigo oo ay ku ciyaaraan. Danbi baan u
arkey in aan carruur ka fekero. Oohin baan isku xajiyey. Calool adeyg baan
qaatey. Subixii xigey waxa aan bilaabey qorshe aan fasax ku qaato. Todoba
maalmood oo fasaxeygii sanadka ah baan Adis u gu baxey. Marka laga tago in aan
howsha dhoofka wixii i ga qabyo ah soo dhameysanayo waxa kale oo ay ii aheyd
tijaabo. Qoyskeyga oo aan ka fogaadaa sida ay u eeg tahay ayaan soo
dhadhaminayey. Waxa ay ahaayeen ayaamo barakoobey. Dariiqyo aanan cidlo ku
dareemeyn cidina iga garaneyn baan dhan walba u raacey. Waxa aan neefsadey hawo
xor ah. Howshii safaaradu iga rabtey waan soo dhameystey waanan soo nafisey.
Asxaab hore oo halkaa joogtey baan wakhti fiican la qaatey. In yar oo dhalinyaro
nimadeydii ah baan dib u dhadhamiyey iyo dareemo aan kala baadney. Shan habeen
oo xumad jabin ah bey ahaayeen. Dhanka kale waxa aan ku sii durkayey xaalad aan
ka baqayey in aan gaadho. Ma aan sawiran kareyn sida ay noqon doonto
macasalaameynta qoyskeyga, shaqadeyda iyo magaaladeyda. Hooyadey markii aan u
sheegey afkaa kala tagey. Qof la ga filayo maan aheyn safar noocaas ah. Sabab
cad oo aan sheego ma heyn. Wax aanan sharaxi karin baan ka baxsanayey. Qof
waliba waa uu ila yaabey sidi aan filayey. Socdaal aan jiho iyo u jeedo laheyn
baa loo arkayey, uuna ahaaba. Todobaadkii aan shaqada ku soo noqdey
Khamiistiisii baan safar kale galey. Markan waxa i wehelinayey labadeyda wiil.
Magaalo teyda u dhow oo aanu marar badan oo hore tagney weeye. Qalbi jab baan
mar walba kala soo noqdaa maanlintaas se waxa hubaal aheyd in uu maroorara
dilaac noqon doono. Taksi baanu hore ka qaadaney markii aanu baska ka degney.
Daarad baanu ku sugney intii qolkiisa la ga soo saarayey. Yaasiin baa qeyliyey
oo dhankiisa u cararey. "Aabbo aabbo." Waan istaagey inta aan xagiisa u jeestey.
Silsilad baa labada gabcood ka ga xidhneyd dhabanadana madow yar baa kaga
dhigey. Casaantiisii isma bedelin timahaa se ku baxey. Aad baan u ga xanuusadaa
in aan xaalkaa ku arko. Sidii caadada ii aheyd waan ilmeeyey inta aanu i soo
gaadhey. Cid kasta oo kale wuu ilaawey intii uu miyirkiisu tagey anigu se maalin
kamaan anban. Codkiisii labnimadu ka muuqatey oo xasilan buu magaceyga u gu
dhawaaqey. Waan jidhidhicoodey. Malaha waxa aan ahay qofka kaliya ee ku dhiirata
in ay laabtiisa gasho. Xanuunkiisu waa mid fowda wata oo dadku wey ka baqaan.
Labada gamcood oo isku xidhan buu kor u qaadey aniguna waxa aan ku libdhey
xabadkiisa. Waa laab balaadhan oo aan lahaansho ku dareemo iyo amni. Waa
qofkeygii sida carruurta ii dhaqi jirey ee aan isu mukurin jirey. Waan ku dul
ooyey. Waan ku raagey. Hooyadii oo gadaasheyda fadhida ayaa shakidey. "Ma wax
dheeraadaa jira maanta hooyo." Labadii carruur ahaa mid waliba lug buu iska
laalaadiyey. Madaxiisu ayuu madaxeyga u barkiyey. Waan sii ooyey. Boholyow afar
jirsadey baa mar qudha albaabada qalbigeyga soo jiidhey. "Bal waran?" Baan
weydiiyey markii aan sii daayey. Waxba ma kala garanayo. Waxaan is idhi ma u
sheegtaa in aad waddanka ka tageyso oo aydaan sannado badan is arki doonin.
Hadana waan la baqey. Carruurtii aan awalba kaliga ku ahaa waan ka tagayaa la ma
odhan karo afkana wey ka weyn tahay. Ma fahmayo hadii aan u sheegana. Aad baan u
gu fiirsadey. Ma la ga yaabaa in ay tahay maalintii u danbeysey guurkiina ayaan
hoos i su weydiiyey. Waxaan xasuusteyda ku celiyey dharaartii aanu is
mehersaney. Sidii aanu mabsuudka u aheyn iyo rejadii aan qabney. Sidii ehelku u
dabaaldegey ee loo weyneeyey. Qoyskii aanu dhisney ee quruxda badnaa baan
gocdey. Ma sidaa dhibta yar ee aan cidina dareemin buu u baabayaa wixii aad
sanadahaas oo dhan soo wadeen? Ma quus baa la ga joogaa rejadii caafimaadkiisa
iyo gurigiinii oo dib u furma? Ma socdaalkaasaa idin kala dhameyn doona oo la ma
hubo halka ay wax ku danbeyn doonaan?
#GAROWLA' Qoraa Niciima cilmi yuusuf
Soo koobid iyo turjumidd. Awoodda Anshaxa" waa buug xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay anshaxa si loo gaadho guusha iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Haddaba halkan waxa kusoo koobay kuna turjumay dhawr qodob oo aad u muhiima. 1. Joogtaynta : Anshaxu waxa ay ku saabsan tahay inaad si joogto ah dadaalka ugu dabaqdo yoolalkaaga, xitaa marka dhiirigelintu ay yaraato. Waa awoodda aad ku adkaysan karto jadwalka ama qorshaha, xitaa marka ay la kulmaan caqabado ama carqalado. 2. Dejinta Hadafka: Anshaxu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdo yoolal cad oo aad u kala qaaddo tallaabooyin la maarayn karo. Waxay awood kuu siinaysaa inaad mudnaanta siiso ficilladaada oo aad diirada saarto waxa dhabta ah ee muhiimka ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad horumar ka samayso ujeedooyinkaaga. 3. Is-xakamaynta: Anshaxu waxay ku lug leedahay is-xakamaynta iyo awoodda iska caabinta ku qanacsanaanta degdegga ah si loo helo faa'iidooyinka mustaqbalka fog. Waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto ...



Comments
Post a Comment