Skip to main content

The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda.”

 


Sookoobidda buugga “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda.”

Hordhac

Buuggan la yidhaa “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda” waxa qoray Norman Vincent Peale oo noolaa intii u dhexaysay (May 31, 1898 – Diisanbar 24, 1993kii).  Wuxuu ku dhashay magaalada Ohio. Waxa uunna ku dhintay magaalada New York. Da’diisu 95 sano jir ayay ahayd. Waxa dalka Maraykanka ka soo noqday Wasiir. Waxa uuna ahaa qoraa. Waxa ay saaxiib dhaw ahaayeen Madaxweyne Donald Trump.  

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 285 bog. Waxa uu ku jiraa buugta ugu iibsiga badan ‘ bestseller books’ waxa laga daabacay in ka badan 15 Milyan oo nuskhadood.


Nuxurka Buugga

Cutubka 1aad, qoraagu waxa uu ku bilaabayaa ‘ Naftaada aamin.’ Naftaada in aad aamint oo rumeysato inay waxkastaa ku xidhanyihiin ayuu xusayaa. Aaminaadda naftu waa inuu qofku ku kalsoonaado awoodda uu leeyahay, waxa uu hirgelin karo, iyo sida ay suurtagelka ku yihiin. Waxa uu qabanayo waa inuu si aaminaada leh u qabtaa. Aaminaadda naftu ixtiraamka qofnimo ee uu qofku naftiisa siinayo weeyi. Qofku sida uu dadka kale u ixtiraamayo waa inuu naftiisana u ixtiraamaa.

 

Aaminaadda nafta waxa keenta kalsoonida nafta. Markaa waa inaad marka hore kalsoonidaada dhisto. Sidee kalsoonida loo dhisayaa? Qoraagu dhawr qodob oo kalsoonida lagu dhiso ayuu xusayaa. Waxa ka mid ah:

 

1-         Marka koowaad niyadaada ka dhaadhici inaad tahay guuleyste.

 

2-         Markasta oo maskaxdaada fekerro taban soo galaan  ka saar oo kuwa togan soo geli.

 

3-         Awooddaada qiyaas.

 

4-         Alle isku xidh.

 

5-         Ogsoonoow in Alle kula jiro oo waxkasta aad ka guuleysan karto.

 

Waxa uu qoraagu ka warramayaa ‘ Maskaxda caafimaadka qabtaa waa inay awood dhaliso.’ Maskaxda marka ay waxa ay cabsi, fekerro qaldan IWM ah ka nadiiftahay way caafimaad qabtaa. Waxa ay keeni kartaa awood. Awoodda ay keeni karto waxa ugu horreeya horumar IWM.

 

Waxa kale oo qoraagu kaga hadlayaa buugga ‘ Isku day awoodda baryada ama ku xidhnaanshaha Alle.’ Qofku saddex qaacido inuu sameeyo ayuu kula talinayaa. Waxa ay kalayihiin:

 

1-        Duceyso ( Prayerize): Macne ahaan, marka dhibaatadu dhacdo marka koowaad Alle la xidhiidh oo isaga bari.

 

2-        Dhibaatada sawir ka qaado: Sawirka aad ka qaadanaysaa waa inuu noqdaa mid wanaagsan oo ah in dhibtu dhammaan doonto, guushuna imanayso.

 

3-        Xaqiiqso.

 

Farxadda ayuu qoraagu ka warramayaa. Waxa uu iswayddiinayaa maxaa jaangooya farxadda ama muruga qofka? Ka sokow xaaladaha keena haddana qofku inuu farxo ama inuu murugoodo waxa saamayn wayn ku leh, ama joongooyaba sida qoraagu qabo waa HABFEKERKA qofka, iyo sida uu u arko kolba xaaladda la joogo. Sheekooyin badan oo farxadda iyo murugada ku saabsan ayuu qoraagu soo qaadanayaa oo dhex jibaaxayaa.

 

Waxa kale oo qoraagu waxka odhanayaa ‘ Filashada.’ Waxa uu leeyahay ‘ Sida ugu wanaagsan wax u filo, wixii kuu soo baxana qaad’ waxa uu leeyahay oo ku doodayaa in qofku wax wanaagsan fisho, oo waxa uu qabanayo, iyo waxa soo socdaba wanaag, raynrayn iyo same ka fisho, wixii u soo baxana qaato. Haddii ay wax murugogeliya, ama wax uu ka naxo u soo baxaan isaga oo farxad filanayay waa inuu qaataa. Waayo wuu ku qasbanyahay. Haddii isaga oo wanaag filayay wanaagii u soo baxo, waaba sidii uu doonayay.

 

In aan guuldarrada qofku rumeysaan ayuu ku warramayaa, waxa uunna leeyahay ‘ Ha rumeysan inaad guuldarraysanayso ama jabayso.’ Marka hore aamin in aanad guuldarraysanayn. Haddii aad aaminto adiga oo aan guuldarraysan inaad guuldarraysanayso waad guuldarraysan.

 

Werwerka ayuu soo qaadanaya qoraagu. Marka koowaad waxa uu isywaddiinayaa ‘ Waa maxay werwerku?’ Waxa uu kaga jawaabayaa waa ‘  waa caafimaad darro burburisa awoodda ama caadada maskaxda.’ Werwerka lalama dhasho, adna lamaad dhalan. Waa xaalad timaadda oo aan laga waaqsanayn. Muhiimaddu waa sideed uga hortagi? Haddii aana laga hortegi karinna sidee lagu yareeyaa? 

 

Waxa aad ku yarayn kartaa:

 

1-         Haka sheekayn wax la xidhiidha werwerka ama meelaha lagaga sheekeeyo ka dheeroow.

 

2-         La saaxiib dadka rejada ku galiya.

 

3-         Alle isku xidh.

 

4-         Wanaag filo.

5-         Aammin in aad ka takhallusi karto werwerka.

 

6-         Waxa werwerka keenay xalli.

 

Qoraagu waxa kale oo uu kaga warramayaa ‘ Waxa aad ku xallin karto dhibaatooyinka shakhsiyan kuu haysta.’ Waxa aad ku xallin kartaa kuwan:

 

1-         Rumeyso in dhibaato kastaa xal leedahay.

 

2-         Isdeji.

 

3-         Waxkasta si degdeg ah jawaab ha uga bixin.

 

4-         Waraaqad ku qora waxa jira.

 

5-         Alle isku xidh.

 

Gebagebo

Waxa aynnu ka soo tilmaannay buugga dhinacyo uu ka hadlayo oo aynnu isleennahay akhristaha wax way ku kordhin karaan, ama baraarujin ayay u noqon karaa. Waa ladhadh shakhsiyan qofkasta u taabanaya.

 

Mahadsanidiin.

Comments

Popular posts from this blog

THE POWER OF DISCIPLINE "Awoodda Anshaxa"

  Soo koobid iyo turjumidd. Awoodda Anshaxa" waa buug xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay anshaxa si loo gaadho guusha iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Haddaba halkan waxa kusoo koobay kuna turjumay dhawr qodob oo aad u muhiima.  1. Joogtaynta : Anshaxu waxa ay ku saabsan tahay inaad si joogto ah dadaalka ugu dabaqdo yoolalkaaga, xitaa marka dhiirigelintu ay yaraato. Waa awoodda aad ku adkaysan karto jadwalka ama qorshaha, xitaa marka ay la kulmaan caqabado ama carqalado.  2. Dejinta Hadafka: Anshaxu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdo yoolal cad oo aad u kala qaaddo tallaabooyin la maarayn karo. Waxay awood kuu siinaysaa inaad mudnaanta siiso ficilladaada oo aad diirada saarto waxa dhabta ah ee muhiimka ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad horumar ka samayso ujeedooyinkaaga.  3. Is-xakamaynta: Anshaxu waxay ku lug leedahay is-xakamaynta iyo awoodda iska caabinta ku qanacsanaanta degdegga ah si loo helo faa'iidooyinka mustaqbalka fog. Waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto ...

Jiraalkay PDF

  Jiraalkay 1 Soo koobid Buugga Jiraalkey.  ♧ Buuggan loogu wanqaley Jiraalkey kow waa hiba furka Afar buug, oo uu qorey; Aqoon dhaadhi, Digtoor, Muhandis, Macalin iyo Sheekh la yidhaahdo Dr: Waliid Axmed Fatiixi, oo uu Turjumey Khaalid Ciise X. Nuur. Intaynaan ka waramin aynu iftiimino Dr: Waliid. Culuumta tirabeelka ee uu xambaarsan yahey buuggani hiigsiga uu ka dhabeynayo, hadafkiisu waxa uu yahey iyo qaabka uu u soo gudbinaayo xogaha uu xambaarsan yahey. Ugu horeyn Sidee ayey u suurtoobeysaa in nolosheena oo dhamiba Ilaahey dartii ay noqoto? Waa weydiinta uu ku dedaalayo inuu ka werceliyo Dr.Waliid, intii uu wadey taxanihiisa Telefiishanka laga soo bilaabo Ramadaantii1434—ku. Dr-ku markii uu dhameeyey xalqadihiisa wuxuu u bedelay buuggaag kuwaas oo uu u bixiyey "ومحياي" oo afar majaladood ka kooban. Buuggtan waxaa dihday xalqadaha uu goos gooska usoo gelin jirey oo markii dambe xogahii inta uu naaxnaaxiyey ka dhigey buuggaag. Dhiganahani wuxuu xambaarsan yahey arimo qotod...

Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear

 Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear.  Joogtaynta caadooyinka yaryar: habka ugu fudud ee aad ku samayn karto caadooyin  wanaagsan waa inaad ka tagto kuwa xunxun. ——————— Qeybtii afaraad 3. Sidee loogu dhisaa caadooyin wanaagsan 4 tallaabo oo Fudud: Mar kasta oo aad rabto inaad bedesho dhaqankaaga, is weydii su’aalahan:- - Sideen habdhaqankayga u caddayn karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid soo jiidasho leh? - Sideen habdhaqankayga u fududayn karaa/ loo fahmi karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid lagu qanco? Caadadu waa dabeecad lagu soo noqnoqday wakhtiyo ku filan si ay u noqoto mid toos ah. Ujeedka ugu dambeeya ee caadooyinka waa in lagu xalliyo dhibaatooyinka nolosha iyadoo la adeegsanayo tamar iyo dadaal yar intii suurtagal ah. Caado kasta waxaa loo qaybin karaa wareeg-celineed jawaab celin ah oo ku lug leh afar tillaabo: tilmaan, rabitaan, jawaab celin, iy...