Skip to main content

Jiraalkay PDF

 



Jiraalkay1
Jiraalkay 1
Soo koobid Buugga Jiraalkey. 

♧ Buuggan loogu wanqaley Jiraalkey kow waa hiba furka Afar buug, oo uu qorey; Aqoon dhaadhi, Digtoor, Muhandis, Macalin iyo Sheekh la yidhaahdo Dr: Waliid Axmed Fatiixi, oo uu Turjumey Khaalid Ciise X. Nuur. Intaynaan ka waramin aynu iftiimino Dr: Waliid. Culuumta tirabeelka ee uu xambaarsan yahey buuggani hiigsiga uu ka dhabeynayo, hadafkiisu waxa uu yahey iyo qaabka uu u soo gudbinaayo xogaha uu xambaarsan yahey. Ugu horeyn Sidee ayey u suurtoobeysaa in nolosheena oo dhamiba Ilaahey dartii ay noqoto? Waa weydiinta uu ku dedaalayo inuu ka werceliyo Dr.Waliid, intii uu wadey taxanihiisa Telefiishanka laga soo bilaabo Ramadaantii1434—ku. Dr-ku markii uu dhameeyey xalqadihiisa wuxuu u bedelay buuggaag kuwaas oo uu u bixiyey "ومحياي" oo afar majaladood ka kooban. Buuggtan waxaa dihday xalqadaha uu goos gooska usoo gelin jirey oo markii dambe xogahii inta uu naaxnaaxiyey ka dhigey buuggaag. Dhiganahani wuxuu xambaarsan yahey arimo qotodheer oo dhadhan u leh nolosheena xaadirkaa mawduucyada uu buuggani ka waramaayo aad ugu qotodheer yihiin aad ugu kakan yihiin xogta hore looga yahey ay aad u yar yihiin waa kuwo sida uu dhigey ay ka dhigeen in fahan ayaan si fudud loo akhrisan karto. Waxaa dhiganahani kulmisanayaa Tafsiiro ugu xeesha dheer, awooda caafimaadka kuwooda maskaxda iyo ruuxaha u layliyan jecelka Ilaahey iney ka shiidal qaatan ereygiisa iyo abuurtiisa, qoraagu mawduuc kasta oo dhiganihiisa uu ku xusaayo waxa uu ka istaagayaa dhamaan xaglaha kala duwan ee wax laga darso  sida; Diinta, Caafimaadka iyo Sayniska, deraasadihii u dambeeyey waxey ka yidhaahdeen. In hal mawduuc waxaas oo dhan laga yidhaahdo waa waxa xiisaha iyo xaraarrada u yeelaya buuggan. Waxaa uu qoraagu ku bilaabaya buuggiisa ciwaanka koowaad.


{

Comments

Popular posts from this blog

THE POWER OF DISCIPLINE "Awoodda Anshaxa"

  Soo koobid iyo turjumidd. Awoodda Anshaxa" waa buug xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay anshaxa si loo gaadho guusha iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Haddaba halkan waxa kusoo koobay kuna turjumay dhawr qodob oo aad u muhiima.  1. Joogtaynta : Anshaxu waxa ay ku saabsan tahay inaad si joogto ah dadaalka ugu dabaqdo yoolalkaaga, xitaa marka dhiirigelintu ay yaraato. Waa awoodda aad ku adkaysan karto jadwalka ama qorshaha, xitaa marka ay la kulmaan caqabado ama carqalado.  2. Dejinta Hadafka: Anshaxu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdo yoolal cad oo aad u kala qaaddo tallaabooyin la maarayn karo. Waxay awood kuu siinaysaa inaad mudnaanta siiso ficilladaada oo aad diirada saarto waxa dhabta ah ee muhiimka ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad horumar ka samayso ujeedooyinkaaga.  3. Is-xakamaynta: Anshaxu waxay ku lug leedahay is-xakamaynta iyo awoodda iska caabinta ku qanacsanaanta degdegga ah si loo helo faa'iidooyinka mustaqbalka fog. Waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto ...

Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear

 Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear.  Joogtaynta caadooyinka yaryar: habka ugu fudud ee aad ku samayn karto caadooyin  wanaagsan waa inaad ka tagto kuwa xunxun. ——————— Qeybtii afaraad 3. Sidee loogu dhisaa caadooyin wanaagsan 4 tallaabo oo Fudud: Mar kasta oo aad rabto inaad bedesho dhaqankaaga, is weydii su’aalahan:- - Sideen habdhaqankayga u caddayn karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid soo jiidasho leh? - Sideen habdhaqankayga u fududayn karaa/ loo fahmi karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid lagu qanco? Caadadu waa dabeecad lagu soo noqnoqday wakhtiyo ku filan si ay u noqoto mid toos ah. Ujeedka ugu dambeeya ee caadooyinka waa in lagu xalliyo dhibaatooyinka nolosha iyadoo la adeegsanayo tamar iyo dadaal yar intii suurtagal ah. Caado kasta waxaa loo qaybin karaa wareeg-celineed jawaab celin ah oo ku lug leh afar tillaabo: tilmaan, rabitaan, jawaab celin, iy...