LOHOD : OYSTER – محار
Oyster-ku waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka ee marka la abableeyo loo yaqaan (Animalia), waxaana uu kaga sii abtirsadaa (fayla) kuwooda bilaa lafdhabarta ah oo loo yaqaan (Mollusca), gaar ahaan gacalka (class) waana qaybta laba carableyda ah ee Qolofta adag leh (bilvalvia) oo ay ku midaysan yihiin oysters, mussels iyo scallops.
Lohodka magaciisa cilmiga-sayniska ah waxaa loogu yeedha (Ostreidae), waana xayawaannada ay noloshoodu ku xidhan tahay biyaha ama aan berriga ku noolaan karin (Aquatic animals).
Guud ahaan waxaa jira shan nooc oo lohod ah oo kala ah:
1. European Flat Oyster (Ostrea Edulis)
2. Pacific oyster (Crassostrea gigas)
3. Kumamoto oyster (Crassostrea Sikamea)
4. The Eastern/Atlantic Oyster (Crassostrea virginica)
5. Olympia Oyster (Ostrea Lurida).
Oysters waxa ay qayb muhiim ah ka qaataan fayo-dhawrka badweynta caalamka. Xayawaankan ayaa sifeeya oo nadiifiya biyaha ku hareeraysan Sababtoo ah lohodku waxay quutaan saaruqda (algae) iyaga oo ka sifaynaya biyaha, waxay u shaqeeyaan sidii shaandheyn dabiici ah waxayna wanaajiyaan biyaha, hal lohod ayaa shaandheyn kara ilaa 50 gallon oo biyo ah maalintii.
Lohodku (Oysters) waxa ay dhalaan bilaha xagaaga ee diiran, sida caadiga ah March ilaa Agoosto. Oysters waxa ay beddelaan jinsigooda (gender). Dhammaan lohodka waxay nolosha ku bilowdaan iyaga oo lab, laakiin badidooda waxa ay si joogto ah ugu beddelmi doonaan dhedig qiyaastii sannad ka dib. Xubnahooda taranka waxay soo saaraan shahwada iyo ukunta labadaba, taasoo siinaysa awood ay ku beddelaan jinsiga. Sidaa darteed, waa suuragal in lohodku uu bacrimiyo ukumihiisa.
Oysters waxa laga helaa oo ay qani ku yihiin macdano badan oo ay ka mid yihiin zinc, iron, selenium, iyo fitamiin B12. Qaar ka mid ah nafaqooyinkan waxa ay leeyihiin antioxidant waxaana laga yaabaa inay gacan ka geystaan kor u qaadista caafimaadka guud.

Comments
Post a Comment