Skip to main content

LOHOD : OYSTER – محار

 LOHOD : OYSTER – محار



Oyster-ku waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka ee marka la abableeyo loo yaqaan (Animalia), waxaana uu kaga sii abtirsadaa (fayla) kuwooda bilaa lafdhabarta ah oo loo yaqaan (Mollusca), gaar ahaan gacalka (class) waana qaybta laba carableyda ah  ee Qolofta adag leh (bilvalvia) oo ay ku midaysan yihiin oysters, mussels iyo scallops.

Lohodka magaciisa cilmiga-sayniska ah waxaa loogu yeedha (Ostreidae), waana xayawaannada ay noloshoodu ku xidhan tahay biyaha ama aan berriga ku noolaan karin (Aquatic animals).

Guud ahaan waxaa jira shan nooc oo lohod ah oo kala ah: 

1. European Flat Oyster (Ostrea Edulis)

2.  Pacific oyster (Crassostrea gigas)

3.  Kumamoto oyster (Crassostrea Sikamea)

4. The Eastern/Atlantic Oyster (Crassostrea virginica) 

5.  Olympia Oyster (Ostrea Lurida).


Oysters waxa ay qayb muhiim ah ka qaataan fayo-dhawrka badweynta caalamka. Xayawaankan ayaa sifeeya oo nadiifiya biyaha ku hareeraysan Sababtoo ah lohodku waxay quutaan saaruqda (algae) iyaga oo ka sifaynaya biyaha, waxay u shaqeeyaan sidii shaandheyn dabiici ah waxayna wanaajiyaan biyaha, hal lohod ayaa shaandheyn kara ilaa 50 gallon oo biyo ah maalintii.

Lohodku (Oysters) waxa ay dhalaan bilaha xagaaga ee diiran, sida caadiga ah March ilaa Agoosto. Oysters waxa ay beddelaan jinsigooda (gender). Dhammaan lohodka waxay nolosha ku bilowdaan iyaga oo lab, laakiin badidooda waxa ay si joogto ah ugu beddelmi doonaan dhedig qiyaastii sannad ka dib. Xubnahooda taranka waxay soo saaraan shahwada iyo ukunta labadaba, taasoo siinaysa awood ay ku beddelaan jinsiga. Sidaa darteed, waa suuragal in lohodku uu bacrimiyo ukumihiisa.

Oysters waxa laga helaa oo ay qani ku yihiin macdano badan oo ay ka mid yihiin zinc, iron, selenium, iyo fitamiin B12. Qaar ka mid ah nafaqooyinkan waxa ay leeyihiin antioxidant waxaana laga yaabaa inay gacan ka geystaan kor u qaadista caafimaadka guud.

Comments

Popular posts from this blog

THE POWER OF DISCIPLINE "Awoodda Anshaxa"

  Soo koobid iyo turjumidd. Awoodda Anshaxa" waa buug xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay anshaxa si loo gaadho guusha iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Haddaba halkan waxa kusoo koobay kuna turjumay dhawr qodob oo aad u muhiima.  1. Joogtaynta : Anshaxu waxa ay ku saabsan tahay inaad si joogto ah dadaalka ugu dabaqdo yoolalkaaga, xitaa marka dhiirigelintu ay yaraato. Waa awoodda aad ku adkaysan karto jadwalka ama qorshaha, xitaa marka ay la kulmaan caqabado ama carqalado.  2. Dejinta Hadafka: Anshaxu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdo yoolal cad oo aad u kala qaaddo tallaabooyin la maarayn karo. Waxay awood kuu siinaysaa inaad mudnaanta siiso ficilladaada oo aad diirada saarto waxa dhabta ah ee muhiimka ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad horumar ka samayso ujeedooyinkaaga.  3. Is-xakamaynta: Anshaxu waxay ku lug leedahay is-xakamaynta iyo awoodda iska caabinta ku qanacsanaanta degdegga ah si loo helo faa'iidooyinka mustaqbalka fog. Waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto ...

The physology of the money ( Cilmi nafsiga iyo lacagta)

 The physology of the money (Cilmi nafsiga iyo lacagta) —————— Soo koobid iyo toban cashar oon ka baranayno buuga uu qoray Morgan Housel. Ee la dhaho "The Psychology of the Money: Timeless Lessons on Wealth, Greed, and Happiness." In Lacag lagu sameeyo si fudud wax fudud maaha ood taqaanid, waxay ku xidhan tahay sidaad u dhaqanto, dhaqankuna wuu adag yahay in la barto, Xataa hadaad tahay mid caqli badan, Lacagaha maalgashiyeed , dhaqaalaha shakhsiyeed, Iyo go’aamada ganacsiyeed, caadiyan waxay ku salaysan yihiin Maadada xisaabta halka xogaha iyo qaacidooyinku noo sheegaan qaabka saxda ah ee aan u samaynayno . 1. In Lacag la sameeyaa waxay qaadataa wakhtiyo badan , wakhti ka badan inta ogaalkeenu xaqiiqsan karo.  Ka fikir bal warren buffet kaas oo noqday uun hodan sanadihii u dambeeyay, da’ ahaan intuu jiro iyo hantida lacageed ee uu haysto isla wakhtigan. 2. Marmarka qaar kuma xidhna hibadaada , xirfadaada, inta shahaado eed haysato, inta qofeed eed xidhiidh la leedahay, amas...

Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear

 Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear.  Joogtaynta caadooyinka yaryar: habka ugu fudud ee aad ku samayn karto caadooyin  wanaagsan waa inaad ka tagto kuwa xunxun. ——————— Qeybtii afaraad 3. Sidee loogu dhisaa caadooyin wanaagsan 4 tallaabo oo Fudud: Mar kasta oo aad rabto inaad bedesho dhaqankaaga, is weydii su’aalahan:- - Sideen habdhaqankayga u caddayn karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid soo jiidasho leh? - Sideen habdhaqankayga u fududayn karaa/ loo fahmi karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid lagu qanco? Caadadu waa dabeecad lagu soo noqnoqday wakhtiyo ku filan si ay u noqoto mid toos ah. Ujeedka ugu dambeeya ee caadooyinka waa in lagu xalliyo dhibaatooyinka nolosha iyadoo la adeegsanayo tamar iyo dadaal yar intii suurtagal ah. Caado kasta waxaa loo qaybin karaa wareeg-celineed jawaab celin ah oo ku lug leh afar tillaabo: tilmaan, rabitaan, jawaab celin, iy...