Skip to main content

Posts

Cali Jaamac Haabiil, oo aan ugu yeedho Hadraawigii qarnigii 19aad Buuga Hortay hire

  Cali Jaamac Haabiil, oo aan ugu yeedho Hadraawigii qarnigii 19aad, wuxuu jiray ku-dhawaad 70 gu' oo ku beegmay saddex xilli oo xilli waliba door shilis ku lahaa qaabaynta waaqica aynu maanta la nool nahay. Qiyaastii, wuxuu dhashay bilowgii sannadihii 1840-meeyadii.   Wuxuu ku hanaqaaday deegaan dadkiisa waxa keliya ee isku xidhiidhiya ama kala kexeeyaa ay tahay abtirsigooga.  Dadkaasi waayuhu wuxuu baray in aanay xeerla'aan noolaan karin.  Sidaas awgeed, waxay samaysteen xeerar ay ku kala bedbaadaan. Xeer kasta oo dhex maray laba beelood oo wada yaalley, wuxuu lahaa ujeeddo weji bedbaado lahayd. Kolka xeer la jebiyo, sida keliya ee muhiimadda xeerkaas lagu muujin jirey waxay ahayd in la kala furto mariyo dhiig leh. Dastuurka ummadaha, qodob kastaa wuxuu xal u yahay colaado dhexdooda miran lahaa, xeerarkuna halkaasay ugu jireen bulshadaas. Dadkan iyo deegaankan uu Cali Jaamac Haabiil ku taabbagalay, masiibada ugu weyn ee ku soo noqnoqotaa waxay ahayd saddex arr...

The physology of the money ( Cilmi nafsiga iyo lacagta)

 The physology of the money (Cilmi nafsiga iyo lacagta) —————— Soo koobid iyo toban cashar oon ka baranayno buuga uu qoray Morgan Housel. Ee la dhaho "The Psychology of the Money: Timeless Lessons on Wealth, Greed, and Happiness." In Lacag lagu sameeyo si fudud wax fudud maaha ood taqaanid, waxay ku xidhan tahay sidaad u dhaqanto, dhaqankuna wuu adag yahay in la barto, Xataa hadaad tahay mid caqli badan, Lacagaha maalgashiyeed , dhaqaalaha shakhsiyeed, Iyo go’aamada ganacsiyeed, caadiyan waxay ku salaysan yihiin Maadada xisaabta halka xogaha iyo qaacidooyinku noo sheegaan qaabka saxda ah ee aan u samaynayno . 1. In Lacag la sameeyaa waxay qaadataa wakhtiyo badan , wakhti ka badan inta ogaalkeenu xaqiiqsan karo.  Ka fikir bal warren buffet kaas oo noqday uun hodan sanadihii u dambeeyay, da’ ahaan intuu jiro iyo hantida lacageed ee uu haysto isla wakhtigan. 2. Marmarka qaar kuma xidhna hibadaada , xirfadaada, inta shahaado eed haysato, inta qofeed eed xidhiidh la leedahay, amas...

Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear

 Soo Koobid buuga Atomic Habits: An Easy & Proven Way to Build Good Habits & Break Bad Ones Book by James Clear.  Joogtaynta caadooyinka yaryar: habka ugu fudud ee aad ku samayn karto caadooyin  wanaagsan waa inaad ka tagto kuwa xunxun. ——————— Qeybtii afaraad 3. Sidee loogu dhisaa caadooyin wanaagsan 4 tallaabo oo Fudud: Mar kasta oo aad rabto inaad bedesho dhaqankaaga, is weydii su’aalahan:- - Sideen habdhaqankayga u caddayn karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid soo jiidasho leh? - Sideen habdhaqankayga u fududayn karaa/ loo fahmi karaa? - Sideen uga dhigi karaa habdhaqankayga mid lagu qanco? Caadadu waa dabeecad lagu soo noqnoqday wakhtiyo ku filan si ay u noqoto mid toos ah. Ujeedka ugu dambeeya ee caadooyinka waa in lagu xalliyo dhibaatooyinka nolosha iyadoo la adeegsanayo tamar iyo dadaal yar intii suurtagal ah. Caado kasta waxaa loo qaybin karaa wareeg-celineed jawaab celin ah oo ku lug leh afar tillaabo: tilmaan, rabitaan, jawaab celin, iy...

THE POWER OF DISCIPLINE "Awoodda Anshaxa"

  Soo koobid iyo turjumidd. Awoodda Anshaxa" waa buug xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay anshaxa si loo gaadho guusha iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Haddaba halkan waxa kusoo koobay kuna turjumay dhawr qodob oo aad u muhiima.  1. Joogtaynta : Anshaxu waxa ay ku saabsan tahay inaad si joogto ah dadaalka ugu dabaqdo yoolalkaaga, xitaa marka dhiirigelintu ay yaraato. Waa awoodda aad ku adkaysan karto jadwalka ama qorshaha, xitaa marka ay la kulmaan caqabado ama carqalado.  2. Dejinta Hadafka: Anshaxu waxay kaa caawinaysaa inaad qeexdo yoolal cad oo aad u kala qaaddo tallaabooyin la maarayn karo. Waxay awood kuu siinaysaa inaad mudnaanta siiso ficilladaada oo aad diirada saarto waxa dhabta ah ee muhiimka ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad horumar ka samayso ujeedooyinkaaga.  3. Is-xakamaynta: Anshaxu waxay ku lug leedahay is-xakamaynta iyo awoodda iska caabinta ku qanacsanaanta degdegga ah si loo helo faa'iidooyinka mustaqbalka fog. Waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto ...

Why "A" Students Work for "C" Students and Why "B" Students Work for the Government)

 Soo koobid iyo casharo aan ka baran doono buuga (Why "A" Students Work for "C" Students and Why "B" Students Work for the Government)  ee uu qoray Robert Kiyosaki. Maxay ardayda "A" ugu shaqeeyaan ardayda "C" Iyo  maxay ardayda "B" ugu shaqeeyaan dawlada." ————— Runtii waa buug macquula, oo faa’iido badan ay ku jirto qofkii akhriya, qof walboo iskuulku bari waayay siduu u shaqaysan lahaa ayuu ka caawin doonaa habkuu dhaqaale xor ah ku samaysan lahaa, waxaad sidoo kale ku ogaanaysaa heerka aad shaqo ka joogtid maanta sababteeda, waalid walbana wuxuu ku baraarujinayaa inuu ilmihiisa baro nidaamka xornimada maaliyadeed lagu samaysto, lagu maamulo, si ilmihiisu u helo beri mustaqbal fiican. Sidoo kale wuxuu ku barayaa buugan in aad ilmahaaga barto habkuu dhaqaale xor ah ku samaysan lahaa , halka uu adiga uun kaa sugayo dhaqaale iyo ku tiirsanaan, wuxuu ku farayaa buugan inaad ka joojiso ilmahaaga siinta lacagta joogtada ah. ...

The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda.”

  Sookoobidda buugga “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda.” Hordhac Buuggan la yidhaa “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda” waxa qoray Norman Vincent Peale oo noolaa intii u dhexaysay (May 31, 1898 – Diisanbar 24, 1993kii).   Wuxuu ku dhashay magaalada Ohio. Waxa uunna ku dhintay magaalada New York. Da’diisu 95 sano jir ayay ahayd. Waxa dalka Maraykanka ka soo noqday Wasiir. Waxa uuna ahaa qoraa. Waxa ay saaxiib dhaw ahaayeen Madaxweyne Donald Trump.    Buuggu waxa uu ka koobanyahay 285 bog. Waxa uu ku jiraa buugta ugu iibsiga badan ‘ bestseller books’ waxa laga daabacay in ka badan 15 Milyan oo nuskhadood. Nuxurka Buugga Cutubka 1aad, qoraagu waxa uu ku bilaabayaa ‘ Naftaada aamin.’ Naftaada in aad aamint oo rumeysato inay waxkastaa ku xidhanyihiin ayuu xusayaa. Aaminaadda naftu waa inuu qofku ku kalsoonaado awoodda uu leeyahay, waxa uu hirgelin karo, iyo sida ay suurtagelka ku yihiin. Waxa uu qaban...

'GAROWLA' is story about one of the psychological disorders that Somali women do not know about.

Sheekooyinka aan qoro waxaa ka hormuud ah inta badan gabadh. Marka laga tago mowduucyada gaar gaarka ah ee ay kala xambaarsan yihiin waxaan u gu talogaley in dunida haweenka lagu xidhmo oo aad loo fahmo. Sheeko GAROWLA' la yidhaahdo oo ka hadleysa mid ka mid ah xanuunada nafsiga ah ee aan garowshiiya laheyn dumarka Soomaalidana ku dhaca ayey ku saabsan tahay Sheeko"GAROWLA". Akhris wacan. Qaybtii 1aad Waxaan isku hoos ilaabey dhibcaha biyaha ah ee sida xidhiidhsan korkeyga u gu socda. Waa meydhasho aan u gu diyaar garoobayo maalin dheer oo aan aad u necebahay. Waan ku sii raagey. Aniga oo maahsan baan iska hoos taagnaa dhaqaaq li'i; biyaha. Waxay ay u eekeyn in aan ilowsanahay in wax rubuc ka yari ay ka hadheen bixisteydii. Waa todobadii subaxnimo oo shan iyo toban daqiiqo la'. Waa xiliga maalintayda u sii xun. Jidhka oo dhami waxa uu ila damqanayey nabaro si ay hurdada iigu soo gaadhaan aan garan waayey oo macmiil ii ah. Hooyo ayaa sidii caadada aheyd i gu ...